Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xarig shalay ciidanka NISA geysteen xoghaya ururka saxaafada ee SJS Cabdalla Muumin xili uu ka dhoofayey garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale caddeyneysaa inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda. Sidoo kale waxaa wasaaradda ka go’an ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla” ayaa laagu qoraal caawa ka soo baxay wasaarada warfaafinta.
Wasaaradda waxay sheegtay iney ka war heshay xarigga Mudane Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala ayna Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.
“Wasaaradda waxaa lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira.
sidaa darteed Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda” ayaa lagu War-saxaafadeedka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA OO DHAMEYSTIRAN