Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Faarax Cabduqaadir oo Hambalyo u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo…

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare mudane Farah Sheekh Cabdulqaadir oo wakiil ka ah bahda Waxbarashadda iyo dhammaam ardayda Soomaaliyeed, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka mid ahaa ardaydii ku guulaysatay qaadashada shahaadada PhD.

Wasiirka ayaa tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh ku astaysan yahay hoggaamiye aan marna illoobin qiimaha qalinka iyo buugga duruuf kasta oo uu ku jiro, taasi oo dhiiragilin u ah dhammaan bulshada qallinleeyda ah,

“Mudane Madaxweyne, waxaad tusaale u tahay da’yarta, da’weynta iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee jecel waxbarashadda adigoo aaminsan in waxbarashaddu tahay furaha nabadda, horumarka iyo hoggaaminta toosan”.

Ugu dambeyn Wasiirka Waxabarashadda JFS Mudane Faarax Sheekh C/qaadir ayaa bahda Waxbarashadda ku ammaanay dadaalada aan caajiska laheyn oo ey ku bixinayaan Waxbarashadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shuruudo adag oo loogu xiray Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Jubbaland (Akhriso)

Cabdi Cade

Somalia & Turkiga oo kala saxiixday heshiis la xiriira dhinaca difaaca (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku xiray Wadaad caan ka ah baraha Bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---