Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in howlgal lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab laguna qabtay gaari (Sawirro)

Ciidanka gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan waxa ay ka sameeyeen deegaanka Buulo Kuuno iyo deegaano kale oo dhaca dhulbeereedka dhinaca waqooyi kaga begaan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Telefishinka dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalka ay sameeyeen ciidanka dowladda lagu dilay afar xubnood oo katirsan Al Shabaab, sidoo kale lagu qabtay hal nin iyo gaari ay wateen kooxdaasi.

Saraakiisha ciidanka ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay heleen xogta xubno katirsan Al Shabaab oo dadka deegaanka u taga kana qaata xoolo ay ku sheegeen sako, waxa ayna xuseen in howlgalkan ku yimid xog dadka deegaanka ciidanka ka heleen.

Ciidamada dowladda ayaa isku fidiyay saldhigyana ka sameestay dhulka beeraleyda ee kuyaalla inta u dhaxeysa Balcda iyo Afgooye, waxaana deegaanadaasi xarumo waa weyn iyo maxkamado ku lahaa Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Hamdok iyo Wasiiro oo wali xabsi ku jira iyo Ciidamo badan oo lasoo …

Cabdi Cade

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin culus siiyey Heyaddaha dowlada (Video)

Caydiid Ali

Ajaaniib lagu weeraray magaalada Berbera iyo Khasaaro ka dhashay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---