Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dagaal xooggan oo ka socda Deegaan Yasooman iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macawuusley iyo kooxda Al Shabaab, ayaa saakay ka socda deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa saakay qarxay kaddib markii kooxda Al Shabaab weerar culusĀ  kusoo qaadeen saldhigyada ciidamada huwanta ah ku lahaayeen deegaanka Yasoomaan.

Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hub nuucyo kala duwan leh ayaa ka socda deegaanka Yasooman, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in mararka qaar deegaanka laga maqlayo qaraxyo xooggan.

Ciidamo badan oo katirsan dowladda Soomaaliya oo gurmad ah ayaa gaaray deegaanka Yasooman, waxaana wali adag in xog rasmi ah laga helo dagaalka ka socda Yasoomaan xilligan iyo cidda ku gacan sareysa.

Dagaalka socda ayaa guulo horu dhac ah waxaa ka sheegtay labada dhinac, mana jiro ilaa hada ilo madax banaan oo xaqiijin kara guulaha ay sheeganayaan labada dhinac uu u dhaxeeyo dagaalka culus.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Jubbaland oo loogu deeqay Gaadiidka loo yaqaan Cabdi Billaha (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shil dayuuradeed oo ka dhacay Kenya & dad ajaaniib ah oo ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali

Milateriga Ruushka oo lagu eedeeyey iney shacab ku laayeen Magaalada Lviv (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---