Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Cudurka dilaaga ah ee Ebola oo ku sii faafaya Ugandha & walaac laga muujiyey

Sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Uganda qof qaba cudurka Ebola ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla caasimadda Kampala.

Wasaarada ayaa intaas ku dartay in Bukaanka uu horey ula macaamilay qof qaba cudurkaasi oo uu markii dambe ka qaaday.

Wasiirka caafimaadka Dr. Jane Ruth Aceng ayaa xustay in ninkan uu ka cararay tuuladii uu ku noolaa, isagoo qariyay aqoonsigiisa, waxaana uu booqday dhakhtar dhaqameed uu uga tagay degaan kale oo ka tirsan dalkaas.

Tirada rasmiga ah ayaa muujinaysa in ilaa iyo hadda laga helay dalka Uganda 54 kiis oo Ebola ah, kuwaasoo 19 ka mid ah ay cudurka u dhinteen waxaana jira walaac laga qabo in cudurkaas uu ku sii faafo gudaha dalkaas iyo dalalka la deriska ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qarxii ka dhacay Muqdisho iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Dowlad ka carootay sida Mareykanka ula dhaqmay muhaajiriin uu soo tarxiilay

Cabdi Cade

Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2019-ka oo cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---