Weerar dhinaca internetka ah ayaa lagu qaaday qaar kamid ah websetyada garoomada diyaaradaha waa weyn ee dalka Mareykanka, waxa uuna weerarkan sababay in websetyada qaar hawada laga saaro, halka kuwa kalana culees laga dhigay.
War kasoo baxay masuuliyiinta dowladda Mareykanka u qaabilsan dhinaca duulimaadka ayaa sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan weeraradan dhinaca internetka ee lagu qaaday mareegaha qaar kamid ah garoomada diyaaradaha.
Andrew Gobeil oo u hadlay garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Atlanta, ayaa sheegay in ay arkeyn websetkooda hawada laga saaray, waxa uuna xusay in hada kooxda dhinaca ammaanka qaabilsan gacanta ku hayaan xaalkuna caadi yahay.
Weerarkan ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeyso koox taageersan Ruushka oo lagu magacaabo Killnet, kooxdan ayaana horey ugu hanjabtay in ay qaadayaan weeraro abaabulan ay ku beegsanayaan adeegyada goobo muhiim ah oo Mareykanka kuyaalla.
Kooxo burcad dhinaca internetka ayaa marar badan weeraro dhinaca Internetka ku qaaday xarumo muhiim ah oo kuyaalla Mareykanka, waxaana kooxahana wali wadaan weerarada ay ku beegsanayaan gudaha Mareykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com