Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK James Cleverl ayaa wadahadal dhinaca telfoonka ah yeeshay, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arrimo muhiim ah.
Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, ayaa wadahadalka ay yeesheen diirada ku saaray xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii ay dhinacyo badan isaga kaashan lahaayeen.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK James Cleverly, qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in dowladda UK ay sii xoojineyso taageerada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dalkiisu uu Soomaaliya ugu deeqeen sannadkan in ka badan £50 milyan oo lacagta ingiriiska ah, taasoo ay si gaara loogu qorsheeyey in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan faahfaahin badan ka bixin wadahadalkan dhax maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha arrimaha dibadda UK , waxaan ala filayaa in Villa Soomaaliya war kasoo saartay wadahadalkan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com