Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Netherland (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada The Hague ee dalka Netherlands kulan kula qaatay Marwo Vera Bergkamp oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi.

Kulanka labada guddoomiye Baarlamaan ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka labada baarlamaan iyo is-dhaafsiga aqoonta ee la xirirta xildhibaannadda iyo howlwadennada baarlamaanada ladaba wadan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa la wadaagay guddoomiyaha Baarlamaanka Holland dagaalka Dowladda Soomaaliyeed ay kula jirto kooxda Al Shabaab iyo muhiimada ay leedahay in degaannadda laga xorreeyay kooxaha argagixisada ah la gaarsiiyo gargaar bani’aadanimo iyo adeegyada kale ee nolosha bulshada aas-aasiga u ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiintooda uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey iyo ballanqaadka wada shaqeyn ee labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Sh/dhexe iyo Al-shabaab oo warar iska horjeeda ka soo saaray dagaalka

Caydiid Ali

Ninkii Ajnabiga ahaa ee ka Dambeeyay Dilka Dahabo Cumar oo Maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Ciidamada AMISOM oo qof shacab ah dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---