Ciidamada Ruushka ayaa saakay duqeymo culus ku garaacay magaalooyin dhoor ah oo kuyaalla dalka Ukraine, waxaana goobaha saakay la duqeeyay kamid ah xarumo kuyaalla magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine.
War kasoo baxay milatariga Ukraine ayaa lagu sheegay in ciidamada Ruushka saakay kaliya soo rideen 83-gantaal , milatariga ayaana sheegay in qaar kamid ah gantaaladaasi la fashilyay, halka kuwa kalana ay ku dhaceen xarumo dowladeed iyo kuwa shacab.
Dowladda Ukraine ayaa xaqiijisay gantaalada lagu garaacay magaalada Kyiv iyo magaalooyinka kale ku dhinteen ilaa toban qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 60-qof oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa xaqiijiyay duqeymaha saakay lagu garaacay magaalooyin kuyaalla Ukraine, waxa uuna sheegay Putin in la duqeeyay xarumaha tamarta, militeriga iyo isgaarsiinta ee dowladda Ukraine.
Putin ayaa ku hanjabay in dowladiisa qaadeyso tallaabooyin dheeraad ah oo jawaab u ah weeraro argagaxiso uu ku eedeeyay dowladda Ukraine, kuwaa uu ula jeeday qaraxii lagu bur buriyay buundadii isku xireysay Ruushka iyo gobolka Cremia ee Ruushku maamulo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com