Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jabhada TPLF oo baaq u dirtay Shacabka Tigrey xilli duullaan culus ku socdo

Ciidamada federaalka Itoobiya oo garab ka helaya ciidamada dalka Eritrea, ayaa weeraro joogta ah ku haya ciidamada daacada u ah jabhada TPLF ee ka dagaalanta Waqooyiga dalka Itoobiya.

Jabhada TPLF oo culees kala kulmeysa weerarada kaga imaanaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ,ayaa ugu baaqay shacabka ku nool gobolka Tigrey in ay hubka qaataan oo qeyb ka noqdaan dagaalka .

Teleefishinka ay maamulaan kooxda TPLF  bayaan laga aqriyay ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay afarta jiho ka wadaan weerraro xooggan oo lagu xasuuqato shacabka Tigray’.

TPLF ayaana wada abaabul dagaal oo ay isaga difaacayaan weerarada kaga imaanaya ciidamada federaalka iyo kuwa Eretrea, waxa ayna TPLF deegaanada qaar hub u qeybisay dhallinyarada si ay dagaalka ugu biiraan.

Baaqan kasoo baxay TPLF ayaa imaanaya xilli midowga Afrika uu qaban qaabinayo wadahadalo nabeed oo xal loogu raadinayo colaada gobolka Tigrey, waxaana wadahadaladan isugu imaanaya TPLF iyo dowladda Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo War kasoo saartay siyaasadda aqoonsiga iyo diiwaangelinta Dadweynaha

Cabdi Cade

Xulka Brazil oo dhulka ku jiiday xulkii Kubada Cagta ee Koonfur Kuuriya (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibanada labada aqal oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---