Qaraxyo aad u xooggan iyo duqeymo loo maleenayo in ay ka dambeeyaan Ruushka ,ayaa saakay laga maqlay magaalada Kiev ee caasimadda dalka Ukraine, waxaana jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxyada.
Waaxda gurmadka degdega ee dalka Ukraine ayaa sheegtay in dhoor qof ku dhaawacmeen duqeymaha iyo qaraxyada laga maqlay, waxa ayna sheegeen in suurto gal tahay in khasaaraha inta hadda la ogyahay kasii badan karto.
Muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay warbaahinta ayaa laga arkayay qiiq iyo uuro ka baxaya dhismayaal kuyaalla magaalada Kiev, waxaana magaalada la galiyay xaalad degdeg ah oo ka dhashay weerarka.
Duqeymaha iyo qaraxyada ka dhacay magaalada Kiev ayaa imaanaya xilli qarax lagu burburiyay buundadii isku xireysay gobolka Crimea iyo dalka Ruushka, waxaana qaraxan madaxtooyada Ruushka ku eedeesay in Ukraine ka dambeeysay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com