Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalo ka dhacay duleedka degmada Buulo Burde & Al-shabaab oo..

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab Maanta ku dhexmaray degaanka Jicibo oo 30km dhinaca Waqooyi kaxiga degmada buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weerareen degaanka Jicibo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu socday.

Dagaalyahano boqolaal gaaraya oo ka tirsan A Shabaab ayaa la sheegay in lagu go’doomiyay tuulada Jicibow.

Sarkaal ka tirsan Militarga Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdirshiid Maxamed Jeellow ayaa sheegay inay Ciidanka xoogga dalka ay khasaaro weyn gaarsiiyeen Al-shabaab ayna ka laayeen dagaalyahano badan.

Wuxuu sheegay in howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ay weli ka wadaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka hiiraan, isla markaana ay ka go’an tahay inay huud ahaan Al-Shabaab ka saarayaan gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Jicibo ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan hayeeshee weli Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Putin oo ku hanjabay in ay bur burin doonaan Gantaalada Difaacada hawada ee Patriot

Cabdi Cade

Musharax baaq u diray Waalidiinta Caruurtooda tababarka loogu diray dalka Eritrea

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo la kulmay Mehmet Yilmaaz si weyna ugu mahadceliyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---