Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dibeda.
Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku sii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Netherland sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay warfaafinta golaha shacabka.
Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Netherland waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaas, isagoona kulamo la qaadan doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale.
“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale oo ku geeriyooday dalka Hindiya.” ayuu yiri gudoomiyaha.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Marxuum Daahir Xasan Guutaale uu ahaa muwaadin xiliyo adag usoo shaqeeyay qaranka, isagoo Alle uga baryay inuu janadii ka waraabiyo, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaanna ka siiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com