Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abiy Ahmed oo hal arrin ku amaanay shacabka degaanka Soomaalida (Sawirro)

Raisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiyi Axmed ayaa bogaadiyay wax soo saarka beeraha ee Degaanka Soomaalida.

Masuuliyiin uu horkacayo Raysal wasaare Abiyi Axmed ayaa booqday dhul beereedka Qamadiga ee Tulli-Guuleed ee gobolka Faafan, waxaana ku weheliya socdaalka xubnaha guddiga fulinta Xisbiga Barwaaqo ee Dalka.

Raysal Wasaaraha ayaana sheegay in aynnu awoodno in aynu soo saarano Qamadi daboola baahida gudaha oo dibeda loo dhoofiyo, waxaana uu xusay in taasi hadda la hayo wadiiqadeedii isaga oo tusaale u soo qaatay wax-soo-saarka Degaanka Soomaalida.

Madaxweynaha Degaanka, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo geestiisa kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laga miro dhalinayo qorshaha Dalag iyo Daryeel ee lagu xoojinayo wax-soo-saarka gudaha si looga maarmo taageerada shisheeye.

Raisul Wasaaraha Itoobiya oo bilihii la soo dhaafay booqashooyin is xigay ku tagayey beeraha Tuli Guuleed ayaa horey u sheegay hadal shak badan abuuray oo ahaa inuu soo dejinayo 500 qoys oo Oromo ah si ay Soomaalida u baraan wax beerida.

Dad badan ayaa hadalkaas ku fasiray damaca Abiy Ahmed ee la xiriira dhul balaarsiga Oromada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdi Cali Raage oo shaaciyey cida amartay in laga soo celiyo Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Dilkii Argagaxa lahaa ee loo geestay George Floyd oo Furay Albaabada Sharta !!

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo war kulul ka soo saaray qaraxyadii ka dhacay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---