Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hogaamiye Muslim ah oo Ruushka ugu baaqay inuu Nuclear ku garaaco Ukraine

Hogaamiyaha Jamhuuryada Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa ku booriyey Ruushka in hubka Nukliyeerka ah loo adeegsado dagaalja Ukraine..

Xoogag hubeysan oo ka socda Jamhuuriyadda Chechnya ayaa ka qayb qaadanaya dagaalka Ukraine, iyagoo ka barbar dagaalamaya ciidamada Ruushka.

In ka badan toban sano oo uu Kadyrov xukumayay jamhuuriyadda Chechnya waxa ay hay’adaha xuquuqul insaanka ku eedeeyeen xarig aan loo meel dayin iyo xad-gudubyo xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dilal.

Jamhuuryada Chechnya oo deriska ah Ruushka ayaa waxaa horey uga dhacay dagaalo lagu hoobtay oo gooni u goosad ahaa, kuwaasoo dhexmaray ciidamada Ruushka iyo ciiodamada Chechnya.

Ruushka ayaa markii dambe ka adkaaday xoogagii Chechnya, isagoo halkaas ka dhisay maamul taabacsan Moscow oo uu hogaamiye looga dhigay Ramzan Kadyrov

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag maanta ku riday Eeney Ureyn Garaar Ooyow

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Trump aqoonsanayo Somaliland hadii uu guuleysto?

Caydiid Ali

Dagaalo culus oo ka socda degaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---