Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Rabshado lagu dilay askar Israeli ah iyo dad Falastiiniyiin ah oo ka dhacay Qudus (Sawirro)

Iska horimaad khasaare geystay oo ka dhacay Daanta Galbeed, weerar toogasho ah oo ka dhacay magaalada Qudus

Saraakiisha Israel ayaa sheegay in ciidamada Israel ay dileen laba dhalinyaro Falastiini ah iska horimaad ka dhacay Daanta Galbeed ee la heysto.

Sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta, sidoo kale nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa si bareer ah u toogtay askari Israa’iili ah oo ku sugnaa magaalada Qudus

Booliska ayaa sheegay in ninka toogashada geystay uu rasaas ku furay ciidamada ammaanka Israa’iil oo ku sugnaa bar koontarool oo laga galo xerada qaxootiga Falastiiniyiinta ee Shuafat oo ku taal duleedka magaalada Quddus ee u dhow Daanta Galbeed.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in askari dumar ah la dilay, sidoo kale askari ilaalo ah ayaa si xun loo dhaawacay, sida ay booliisku sheegeen, xilli ay ciidamadu ku raad joogeen askariga dilka geystay.

Mar sii horreysay, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada ammaanka oo hawlgal ay ku soo qabqabteen nin hubeysan oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad ee ka dagaalanta magaalada Jenin ee daanta galbeed ayna ku jawaabeen rasaas ay ku fureen dadka Falastiiniyiin ku tuuray walxaha qarxa.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in laba Falastiini ah oo da’doodu kala tahay 16 iyo 18 jir la dilay, 11 kalena la dhaawacay. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa cambaareeyay dilka.

Duullaannadii ugu dambeeyay ee maalinlaha ah ee Jenin, oo ah goob ay ku xooggan yihiin mintidiinta, ayaa hoosta ka xarriiqay jawiga ammaan ee aan degganayn ee Daanta Galbeed iyada oo Israa’iil ay ku wajahan tahay doorashada 1-da Nov.

Israa’iil ayaa billowday howlgalkeeda Breakwater ee ka dhanka ah mintidiinta 31-kii Maarso si ay uga jawaabto weerarro isxigxigay oo Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Israa’iil.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe Tor Wennesland ayaa sheegay in uu aad uga naxay rabshadaha, wuxuuna ku baaqay in la dejiyo.

Wadahadallada nabadeed ee Maraykanku garwadeenka ka ahaa ee lagu doonayay in dawlad Falastiin looga dhiso Daanta Galbeed, Gaza iyo Bariga Quddus, ayaa burburay 2014-kii, mana muujin wax calaamad ah oo soo noolayn ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Shariif oo War ka soo saaray shirka wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho

Caydiid Ali

Trump oo xilkii ugu horeeyey u Magacaabay haweeney

Caydiid Ali

Madaxtooyada Soomaaliya oo si adag u beenisay War ay baahiyeen Warbaahinta Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---