Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal culus oo ka qarxay degaan hoos taga degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan

Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka qarxay degaanka Jicibow oo qiyaastii 30km dhanka Waqooyi kaga beegan dagmada Buule burte ee Gobolka hiiraan kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Sida wararklu sheegayaan dagaalka ayaa yimid ka kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weerareen degaanka Jicibo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalka oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu yahay mid xoogan oo jilbaha la isu aastay.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse aan weli laga helin faahfaahin.

Ciidamada DF iyo xoogaga degaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay todobaadyadii la soo dhaafay inta badan degaanada hoos taga gobolka hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan caawa dhexmaray Mursal, Muudey, Shiikh Shariif & Xasan Shiikh oo lagu kala kacay (Xog)

Caydiid Ali

Wadooyinka Muqdisho oo caawa mar kale la xiray iyo Xog ku aadan sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Kenya oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---