Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wadahadalo u furmi lahaa dowlada Itoobiya iyo Maamulka TPLF oo dib u dhacay

Waxaa dib loo dhigay wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo xoogaga TPLF ee ka socda gobolka ay colaaduhu ka taagan tahay ee Tigray sida ay baahisay Wakaalladda Wararka ee Reuters

Wadahadallada ayaa lagu waday inay qabsoomaan dhammaadka toddobaadkan, welina lama sheegin xiliga la qaban doono iyo sababta keentay dib u dhaca

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, oo lagu waday inuu ka mid noqdo dhexdhexaadiyeyaasha, ayaa la sheegay inuu isaga baxay sababo uu ku tilmaamay “isku dhac” jadwalkiisa.

Dagaalo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo Jabhada TPLF ayaa dhowaan dib uga qarxay woqooyiga Itoobiya, iyadoo gobolka Tigray laga oo sheegayo xaalad nololeed oo aad u adag ka dib markii xanibaad dhinac walba leh lagu soo rogay.

 

Related posts

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay dagaalyahano katirsan Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee u dhaqan galay Amarkii Maamulka G/Banaadir ee lagu xiray goobaha lagu caweeyo?

Caydiid Ali

Guddi ka shaqeenaya kordhinta muddo xileedka dowladda oo shir ku yeeshay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---