Golaha wasiirada Somalia oo galabta kulankoodii caadiga ah ku leh Muqdisho ayaa magacaabay illaa Saddex safiir oo cusub.
Safiirada la magacaabay waxaa ka mid ah C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada kaasoo ka mid ah xubnaha ku dhow Madaxweyne Farmaajo.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka mid ah safiirada la magacaabay.
Waxaa sidoo kale safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa, iyadoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili toban ka mid ah safaaradaha Somalia ee caalamka ay muddo ka badan Sanad yihiin safiir la’aan.
Wixii faahfaahin ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe insha ALLAAH
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com Â