Allbanaadir.com
NEWS

Dayax Madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa oo laga arki doono caalamka

Dayax madoobaad ayaa la sheegay in laga arki  doono caalamka meelo badan oo ka mid ah 27 Luulyo 2018 oo ku began habeen dambe waana mid aan hore u dhicin.

Wuxuu noqon doonaa dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarniga 21aad, sida ay sheegayso hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka (NASA).

Wuxuu socon doonaa dayax madoobaadkan hal saac iyo 43 daqiiqo oo xiriir ah sida (NASA) ay sheegeyso.

Dayax madoobaadka 27 Luulyo waxaa laga arki doonaa gabi ahaanba inta badan qaaradaha Yurub, Afrika, bariga dhexe, bartamaha Aasiya iyo Australia, – inta badan meel kasta waa laga arki doonaa marka laga reebo waqooyiga Ameerika iyo Britain.

Haddii aad joogto meel aad si fiican uga arki karto, waxaa kuu suurto galaysa in aad aragto dhinaca soo baxaya ee dayaxa, wakhtiga ugu fiicanna waa 11:21 habeennimo ee Afrikada bari.

Meesha ugu fiican ee laga arki karo waa bariga Afrika, bariga dhexe iyo bartamaha Aasiya.

Koofurta Ameerika, waxaa qayb ahaan laga arki doonaa deegaannada dhinaca bari sida magaalooyinka Buenos Aires, Montevideo, Sao Paulo iyo Rio de Janeiro.

Dayax madoobaad wuxuu dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan. taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa.

Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir kashifay sababta loo heysto dhalinyarada tababarka ugu maqan dalka Eritrea

Caydiid Ali

Banaan bixii maanta ka dhacay Muqdisho oo ka duwanaa kuwii hore (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Farmaajo oo kumannaan shacab ah kala qayb galay dabaaldegga 1da Luulyo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---