Allbanaadir.com
NEWS

Barihii Bulshada uu lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Hawada laga saaray

Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay qaaday howlgal ay hawada uga saareysay baraha bulshada ee taageera Al Shabaab, iyo sidoo kale kuwa lagu faafiyo afkaarta iyo wararka kooxdaasi .

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa shaaciyay in hawada ka saareen in ka badan 40-barood oo isugu jira Facebook iyo Twitter lagu taageeri jiray Al Shabaab.

Baraha bulshada ee hawada ka saartay dowladda Soomaaliya waxaa ku jira barihii uu Facebook iyo Youtube ku lahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda u xiran ,balse wali taageersan afkaarta Al Shabaab kana soo horjeeda hab maamulka dowladda.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo loo ogaaladay in uu isticmaalo baraha bulshada ayaa sameestay baro bulsho oo ku lahaa Facebook iyo Youtube, waxa uuna barahaasi si joogta ah ugu faafin jiray muuqaalo uu mararka qaar madaxda dowladda wax uga sheegi jiray.

Wadaadkan sannadaha badan ku jira xabsi guriga, ayaa dhawwaan si dadka qaarkood ka carreesiisay uga hadlay dilkii Farxaan Qaroole, waxa uu sidoo kale ka hadlay dil diyaaradaha Mareykanka u geesteen wiilkiisa iyo Hoggaamiye kale oo katirsanaa Al Shabaab.

Xiritaanka baraha bulshada uu lahaa Sheekh Xasan Daahir ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya gabi ahaan maanta mamnuucday in baraha bulshada iyo warbaahinta gaarka lagu baahiyo wararka ay rabaan kooxda Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Murusade oo Hub iyo Ciidan ku wajahan Galgaduud soo bandhigtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo hakiyey dood xasaasi ah oo la xiriirtay

Caydiid Ali

Duqeyn lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---