Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in mamnuuc tahay in warbaahinta iyo baraha bulshada lagu faafiyo wararka iyo afkaarta kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowladda u digtay warbaahinta iyo dadka kale ee faafiya wararka kooxdaasi.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaalada oo maanta warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa shaaciyay in la mamnuucay maanta waxii ka dambeeya faafinta wararka iyo dacaayadaha Al Shabaab.
Al Cadaalada ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al Shabaab kaliya uusan aheyn midka hubka, balse lagala dagaalamayo kooxdaasi joojinta dhaqaalaha baada ah ay qaataan iyo sidoo kale gudbinta iyo faafinta wararkooda dacaayada ah.
Waxa wuu sheegay Wasiirka in saacadihii lasoo dhaafay hawada ka saartay in ka badan afartan barood oo isugu jira bogag Facebook iyo Twitter, waxa uu sidoo kale xusay in hawada ka saarayaan baro kale oo badan iyo sidoo kale websetyada kooxdaasi.
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda bartilmaameed u tahay meel kasta oo Al Shabaab fariintooda ku faafiyaan iyo dadka sii gudbiya, waxa uuna u digay dadka Soomaaliyeed ee sii faafiya fariimaha kooxda Al Shabaab.
Go’aankan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono, waxaana maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay warar iyo muuqaalo Al Shabaab soo duubeen
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com