Ciidamada milatariga Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa dagaalo xooggan kula jira kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowladda Soomaaliya bilowday howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee maamusha qeybo badan oo dalka kamid ah.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage , ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo lagu soo afjarayo kooxda Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in ay ka go’an tahay ka gungaarida howlagalada ka dhanka ah kooxdaasi.
Waxa uu sheegay taliyaha marka dagaal socdo ay imaanayaan dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidamada dagaalka kula jira Al Shabaab in ay sabraan oo ay muujiyaan dhabar adeeg.
“Argagixisada ugma tanaasuli doonno in Dadka Soomaaliyeed laga dul qaado, wax badan ayay isku dayayaan Laakiin Dadka Soomaaliyeed & Qaranka Soomaaliyeed midna cabsi gelin mayso, mar haddii aan dagaal ku jirno Dad badan oo qalbiyadeena ku wayn oo aan aad & aad u dareemi doonno ayaa naga dhimanaayo balse waxaa ka weyn yoolka aan u socono oo ah in Dadka Soomaaliyeed ay helaan Xorriyad & Nabad” Gen. Odawaa Yuusuf.
Dagaalka hadda ka socda qaar kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa noloshooda ku waayay saraakiil sar sare iyo askar badan, waxaana dadka dagaalka ku dhintay ku jira taliyihii booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo lagu dilay deegaanka Basra.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com