Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jocob Zuma oo Xabsiga laga sii daayay kana hadlay waxa uu dareemay markii la daayay

Madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa laga sii daayay xabsi uu ku xirnaa oo kuyaalla dalka Koonfur Afrika, kaddib markii uu dhameestay muddadii horey maxkamadda ugu xukuntay.

Jocob Zuma ayaa sannadkii hore maxkamad kutaalla dalka Koonfur Afrika ku xukuntay 15-bilood oo xabsi ah, waxaana maxkamadda ku eedeesay in uu dhagaha ka fureestay awaamiir maxkamadeed oo ku aadanaa in uu yimaado dhageysi kiisas loo heestay.

Xariga madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhashay rabshado xooggan oo sababay geerida dad badan iyo sidoo kale boob aad u balaaran, waxaana banaan baxyo rabshado watay dad badana lagu boobay sameeyay taageerayaashiisa.

Madaxweyne hore Jocob Zuma ayaa todabadii bidshii July ee sannadkii hore isku dhiibay maxkamadda, waxa uuna hadda soo dhameestay 15-bilood oo xabsi ah oo maxkamadda horey ugu riday siyaasigan.

Jocob Zuma ayaa markii uu xuriyadiisa helay kaddib qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in  inuu dareemay nafis iyo leer wanaagsan markii uu noqday nin xor ah, wuxuuna u mahadceliyay taageerayaashiisa.

Siyaasigan soo noqday madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen ayaa horey loogu eedeeyay in uu sameeyay musuqmaasuq, waxaana marar badan sidoo kale loo soo jeediyay eedeemo badan ay ku jireen kuwa galmo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurado duqeeyey degaan ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Akhriso: Jadwalka cusub ee Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Rooble oo ay wehliyaan Mahdi Guuleed iyo Odawaa oo lug ku tagay Xafiiskiisa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---