Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in la dilay sargaal sare oo katirsanaa A Shabaab (Magaca)

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay in dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, lagu dilay sargaal sare iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kahor tageen weerar culus oo deegaanka Janaale kusoo qaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana labada dhinac dhax maray dagaal khasaaro badan dhaliyay.

Taliyaha Ururka 66-aad Guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka milatariga ayaa warbaahinta ciidamada u sheegay in dagaal ka dhacay Janaale ku dileen 13-dagaalyahan uu ku jiro sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in dadka lagu dilay weerarka Al Shabaab soo qaadeen uu ku jiro Maxamed Nuur Shire uu tilmaamay in uu ahaa sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab una qaabilsanaa gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana dowladda saakay sheegtay in dagaal ka dhacay deegaanka Basra ku dileen 19-dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Machadka Daarul-Sunna Quran oo Wargalin Muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

DF oo ka hadashay geerida fanaankii caanka ahaa Faarax Siidow Faarax

Caydiid Ali

(Sawirro) James Swan & wafdi la socda oo Baydhabo kula kulmay Laftagareen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---