Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Matti Vanhanen uu Telfoon kula xiriiray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Finland, Mudane Matti Vanhanen.

Labada guddoomiye ayaa kawada hadlay xiriirka xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, waxa ay sidoo kale isla garteen in wada shaqeyn dhaw yeeshaan labada baarlamaan.

“Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha”

Guddoomiye Sheekh Aadan oo la hadlay dhigiisa Finland ayaa sheegay in laga wada shaqeeyo xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Finland.

Related posts

Boris Johnson oo ugu dambeyn laga saaray Isbitaal looga daweeyey Coronavirus

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Warbixin siiyay golaha Wasiiradda Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

Amarkii Kenya ku soo rogtay dayuuradaha ka yimaada Somalia oo dhaqan galay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---