Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka DF oo ku dhowaad 20 dagaalyahan ku dilay Tuuladda Muryaale (Sawirro)

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in 19 ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa degmooyinka Basra iyo Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Howlgalkan ayaa yimid ka dib markii laga war helay in dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaas, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

“Ciidamada oo helay xogta Argagixisada ayaa waday roondo xiliga uu dagaalku dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raad joogaan firxadka Argagixisada” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah howlgalo uga sameeya inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad ilaa iyo Afgooye, tan iyo markii ay alshabaab ka saareen degaanka Basra oo kooxdan ay ku laheyd maxkamad iyo farsiisin weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xilliga uu furmayo Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la shaaciyay iyo farriin loo diray …

Cabdi Cade

Wasaaradda Amniga Puntland oo qiratay Dilka Axmed Saxane Ballanqaadna sameysay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Itoobiya oo xir xirtay xubno lagu tuhmay in ay sameeyaan af-gambi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---