Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Toogasho carruur badan lagu laayay oo ka dhacday xarun Xanaano (Daawo Sawirada)

Xarun lagu xanaaneeyo carruurta oo kutaalla dalka Thailand ayaa waxaa ka dhacday toogasho lagu laayay carruur badan, waxaana hadda socda baaritaano booliiska ku sameenayaan sida weerarka u dhacay iyo sababta ka dambeysa.

Nin hubeesan oo horey uga tirsanaa booliiska Thailand ayaa la sheegay in uu weeraray xarunta lagu xanaaneeyo carruurta, waxa uuna ninka hubeesan halkaasi ku dilay carruur badan iyo dad kale oo ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay toogashadan waxaa ku dhintay 34-qof oo 22 kamid ah yihiin carruur, waxaa sidoo toogashadan ku dhaawacmay carruur iyo dad kale oo badan , kuwaa oo lagula tacaalayo xaaladooda xarumo caafimaad.

Warbaahinta dalka Thailand ayaa baahisay in uu is dilay ninkii hubeesnaa ee weerarka ka dambeeyay , waxaa booliiska wadeen howlgalo ninka hubeesan ku raadinayeen kahor inta aan la shaacin in uu is dilay.

Ra’isul Wasaaraha dalka Thailand ayaa si kulul u cambaareeyay toogashadan dadka badan lagu laayay, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha tacsi u diray ehelada dadka lagu laayay weerarkaasi argagaxa lahaa ee ka dhacay Thailand.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burbur Dhaqaale oo ku yimid Dubai iyo Sababaha rasmiga ah ee keenay

Cabdi Cade

Ruushka oo shuruudo adag ku xiray joojinta dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Qarax aad u weyn oo ka dhacay xarunta Degmada Howl Wadaag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---