Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka Prof Jawaari oo goordhaw geeriyooday

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in goordhaw geeriyooday guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ilaah ha u naxariistee Prof Jawaari ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, waxaana xalay loo duuliyay dalka Turkiga si loogu daweeyo halkaas uu goordhaw ku geeriyooday.

Jawaari ayaa labo mar soo noqday guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna ahaa siyaasi saameyn weyn ku lahaa siyaasadda dalka, waxa uuna kamid ahaa dadkii wax kasoo qoray dastuurka KMG ee dalka lagu hago.

Masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn uga naxay geerida Prof Jawaari, waxaana si weyn baraha bulshada looga dareemayaa tacsida loo dirayo ehelada uu ka baxayguddoomiyihii golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay taliyeyaasha Ciidanka Qalabka Sida (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaraxyo culus oo laga maqlay Magaalada Marko iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Imaaradka oo ka Jawaabay Faro-gelin la sheegay in ay ku sameeyeen Doorashadii Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---