Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Baaq ka dhan Al Shabaab u dirtay Dhallinyarada Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabulka dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah dalka, waxaana hadda socda guluf dagaal oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanada ay joogaan.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud , ayaa sheegay in muhiim tahay in loo midoobo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Wasiirka ayaana ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay qeyb ka noqdaan kacdoonka cusub ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, uu tilmaamay in ay baneesteen dhiiga dadka Soomaaliyeed kana soo horjeedaan in nabad lagu noolaado.

Waxa uu sheegay wasiirka in dalalka Carbeed qaarkood xuriyadda iyo nabadda ay heestaan ka dambeeyeen dhallinyaradooda oo kacay, waxa uuna ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u kacaan sidii meesha looga saari lahaa Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaana wada abaabulka dagaal xooggan oo ka dhan ah Al Shabaab, waxa ayna dowladda dagaalka Al Shabaab la galeyso taageero iyo gara istaag uga raadineyusaa bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka maamulka Garaadka Macmalka ee ee AI

Cabdi Cade

Siyaasi u tartamay Kursi Xildhibaan oo lagu dilay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---