Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Turkiga iyo Gariiga oo laga cabsi qabo in Dagaal dhax maro iyo Khilaafka u dhaxeeya oo…

Waxaa sii xoogeesanaya khilaafka diblumaasiyadeed ee  in muddo ahu dhaxeeya waddamada dariska ah ee Turkiga iyo Gariiga, waxaana hadda laga cabsi qabaa in labada dal in uu dhax maro dagaal .

Dowladda Gariiga oo ka carrootay heshiis dhawwaan dhax maray dalalka Turkiga iyo Liibiya oo ku aadan sahamin shidaal uu Turkiga ka sameeyo Biyaha Liibiya, , waxa ayna Gariiga sheegeen in ay iska difaacayaan farogelin qorshaysan iyo xadgudubka uu Turkiga ku wado.

Dalalka Turkiga iyo Gariiga oo kawada tirsan NATO ayaa laga cabsi qabaa in xiisadda u dhexeysa inay faraha ka baxdo ayna sababto dagaal toos ah , waxa ayna taali  halis gelin kartaa isbahaysiga NATO ay kawada tirsan yihiin labada dal.

Ra’iisal wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis  ayaa u soo jeediyey dalka Turkiga inuu ku soo laabto, tubta toosan kana joogsadaan gardarrada, waxa uuna xusay haddii aysan taasi dhicin in ay qaadi doonaan tallaabo gacanta ugu soo celinayaan dhulkooda.

Gariiga ayaana sheegay haddii Turkiga sida uu wax u wado ka bedeli waayaan in diyaar u yahiin in ay adeegsadaan dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed iyo kuwa milateri, si ay u difaacdaan madax-banaanidooda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeyn lala beegsaday xarunta Idaacad Al Shabaab leedahay iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Kenya oo Warbaahinta ka sheegay arrin yaab leh

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: sida ay ahaan jirtay Goobtii uu ka dhacay Qaraxii Beyrut iyo sida hada noqotay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---