Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mid ka mid ah dalalka Carabta oo fasaxay beerida Maandooriyaha xashiishka

Boqortooyada Morocco ayaa siisay beeraleyda fasax si ay u beertaan maandooriyaha xashiishka si markii ugu horreysay dalkaas looga dhoofiyo.

10 Shati ayaa la siiyey qaar ka mid ah Beeraleyda gobollada Al-Hoceima, Chefchaouen iyo Taounate kuwaasoo loo ogolaaday inay beertaan xashiishka si loo xoojiyo wax soo saarka xashiishka loona iibiyo iyadoo loo isticmaalayo qaab dawo ah.

Waxaa laga iibin doonaa warshadaha iyo shirkadaha soo saara dawooyinka, sida ku xusan sharci ay anisixiyeen baarlamaanka Morocco sanadkii lasoo dhaafay.

Dowladda ayaa sheegtay in beeraleyda lagu dhiirigelinayo inay sare u qaadaan wax soo saarka Xashiishka si ay u dabboolaan baahida ka jirta suuqyada.

Tallaabadan ayey dowladu sheegtay in ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa nolosha beeraleyda saboolka ah si ay dhaqaale uga helaan beerida Xashiishka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Ammar cusub kusoo rogay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Shacab Khasaare ka soo gaaray duqeymihii ka dhacay Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeyay DFS iyo maamulada dalka oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---