Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Putin oo saxiixay in afar ka mid ah gobolada Ukraine lagu daro Ruushka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay sharci Ruushka uu ku goostay dalkiisana ugu darsaday afar gobol oo ka tirsan Ukraine, sida ku cad dokumenti dowladeed.

Sida sharcigu qorayo gobollada Donetsk, Lugansk, Kherson iyo Zaporizhzhia ayaa waxaa laga aqbalay inay ku biiraan federaalka Ruushka.

Putin ayaa sidoo kale saxiixay dikreeto uu si rasmi ah ugu magacaabay madaxda Moscow ay taageerto ee afartaas gobol, si ay u noqdaan sii-hayayaasha xilalkaas.

Sharcigan ayaa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey labada aqal, hoose iyo sare, ee Baarlamanka Ruushka.

Talaabada  Ruushka inkastoo waxaa cambaareeyey Xukuumada Kyiv iyo xulufadeeda Reer Galbeedka.

Afarta gobol iyo jasiirad u yaalka Crimea oo Moscow ay goosatay 2014 Marka la isku geeyo ayaa ah 20 boqolkiiba dhulka Ukraine.

Hase yeeshee ciidamada Ruushka si buuxda uma Maamulaan Kherson iyo Zaporizhzhia oo qeybo ka mid ah ay joogaan ciidamada Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa keenay in ciidanka gaarka ah ee Kumandoska Gorgor la geliyo heegan?

Caydiid Ali

Trump iyo Biden oo yeeshay dood kulul oo aan waxba la iskula harin (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dhulgariir ku dhuftay xeebaha Fukushima & Tsunami laga cabsi qabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---