Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydadka Muwaadiniin Soomaali ah oo laga helay goob ganacsi, iyagoo gubtay

Meydadka labo Muwaadin oo Soomaali ah ayaa saaka laga helay dukaankood oo ku gubtay Tuulo hoos timaada magaalada Queenstown ee Gobolka Eastern Cape.

Qaar ka mid ah Soomaalidii gaartay dukaanka laga helay meydadka labada Muwaadin ayaa sheegay in lagu kala magacaabi jiray Aadan Abdi Saney iyo Abdi Mohamed Aadan.

Ma cadda ilaa iyo hadda sababta dabka dhalisay laakiin waxaa loo badinaya in dukaanka lagu gubay labada Muwaadin xili habeenimo ah oo ay jiifeen.

Laamaha amaanka ee dowlada sida booliska, Waaxda dambi baarista iyo sidoo kale waaxda caafimaadka dowlada hoose ayaa haatan baaraya sababta dhalisay dabka galaaftay geerida labada muwaadin ee Soomaalida ah.

Waddanka koonfur Afrika waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah oo si joogto ah ula kulma tacadiyo ay ka mid yihiin Dil, iyo dhac ay geystaan burcad hubeysan iyo dad kale oo soo galootiga neceb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hey’adda Nabad Sugida Qaranka oo dacwad ku soo oogtay weriye Harun Macruuf

Caydiid Ali

(Akhriso) Taliska Booliska Soomaaliya oo iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey

Caydiid Ali

DFS oo saxiixday heshiis looga cafinayo lacag dhan $100 Milyan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---