Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bog Villa Somalia ku leedahay baraha bulshada oo la jabsaday, laguna baahiyey..

Bogga Villa Somalia ku eedahay barta Instagram ayaa u muuqda in la jabsaday oo lala wareegay, iyadoo lagu baahiyey muuqaal ka dhan ah Madaxweyne Xassan Shiikh.

Waxaa bogga lagu soo daabacay inuu la wareegay nin lagu magacaabo Maxamuud Carab oo ka tirsanaan jiray weriyeyaasha warbaahinta Muqdisho, haatanse ku nool Qaarada Yurub.

Bogga oo ay saaran tahay calaamada xaqiijneysa inuu yahay bogga rasmiga ah ee Villa Somalia (Blue fig) ayaa lagu baahiyey Muuqaal uu iska duubay Maxamuud Carab oo lagu dhaleeceynayo madaxweyne Xassan Shiikh.

Maxamuud Carab ayaa ka mid ahaa Weriyeyaal ay Muqdisho ku xirtay dowlada Somalia muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xassan Shiikh, kuwaasoo qaba caradii ay xiligaas ka qaadeen xariga loo geystay.

Bogga Instagram ee Villa Somalia oo ay ku xiran yihiin dad ka badan 37 kun oo qof ayaan la ogeyn cida fududeysay in la jabsado, iyadoo arrintan ay weji gabax iyo ceeb ku tahay waaxda warfaafinta ee madaxtooyada oo gacanta ku heysa boggaga villa Somalia ku leedahay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia iyo Cuba oo soo ceshaday xiriirkii diblomaasi ka dib dagaalkii 1977 (Sawirro)

Caydiid Ali

Donald Trump oo laga cabsi qabo in uu ka shifo Sir Muhiim ah marka uu baneeyo Aqalka Cad

Cabdi Cade

Guri ku yaalla deg. Xamar-weyne oo caawa soo dumay & Khasaare ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---