Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Guddooomiyah Gobolka Hiiraan oo Dowladda ugu baaqay in tallaabo adag ka qaado labo taliye Ciidan

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Baledweyne ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxii dhawwaan ka dhacay magaalada iyo khasaarihii ka dhashay.

Cali Jeyte ayaa sheegay in qaraxyada ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Baledweyne ku dhinteen dad ka badan 30-qof, halka ay ku dhaawacmeen 58-qof oo kale oo badankood dhaawacyadooda loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacay magaalada Baledweyne ku yimideen dayac amni oo ka yimid ciidamada nabad sugida iyo booliiska gaar ahaan taliyaasha ciidankaasi.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in saddexda baabuur ee magaalada ku qaraxday kasoo gudbeen buundada magaalada Baladweyne uu sheegay in ciidamada joogaan, waxa uuna xusay in booliiska iyo nabad sugida shaqadooda gabeen.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in tallaabo degdeg ah ka qaado labada taliye ee booliiska iyo nabad sugida u qaabilsan gobolka Hiiraan, kuwaa uu tilmaamay in shaqadooda gabeen kana jiifteen.

Cali Jeyte ayaa sheegay in magaalada Baladweyne joogaan boqolaal askari oo isugu jira booliis iyo nabad sugid haddana magaalada dhibaato ka dhaceyso, waxa uuna digniin u diray shacabka guryaha ka kireeya Shabaab iyo sidoo kale kuwa la shaqeeya kooxdaasi.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo carro badan ka muuqatay wajigiisa ayaa sheegay in ay usoo jeesanayaan sugida amniga Baladweyne, waxa uuna cadeeyay in magaalada ka saarayaan ukumaha Al Shabaab uu ula jeeday carruurta iyo xaasaska raga Al Shabaab katirsan ee magaalada jooga.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan la ogeyn sida ay uga jawaabi doonto baaqa guddoomiiyaha gobolka Hiiraan ee ah in tallaabo u muuqata xil ka qaadis ku sameyso taliyaasha booliiska iyo nabad sugida ee magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Dayax gacmeed wax basaas iyo shaki badan oo laga muujiyay

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo dilay dhalinyaro falastiiniyiin ah iyo xiisad ka dhalatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah ragga loogu doon doonista badan yahay caalamka oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---