Dalka Iran qeybo kamid ah waxaa ka socda dibad baxyo xooggan oo dhaliyay khasaaro badan , waxaana dibad baxyadan oo looga soo horjeedo dowladda ka dhashay gabar ay xijaab darteed u dileen ciidamada booliiska Iran isbuucyo kahor .
Warbaahinta BBC-da ayaa baahisay war ku aadan in ciidamada booliiska dalka Iran ay xadeen meydka gabar yar oo kamid aheyd dadka dhigayay dibad baxa oo ay toogasho ku dileen booliiska .
Ilo wareedyo ayaa sheegay in Nika Shakarami, oo 16-sanno jir aheyd toogasho ku dileen booliiska, waxaana maalmo kaddib markii qoyskeeda heleen meydka gabadhooda haddana la sheegay in booliiska xadeen meydka gabadhaasi kuna aaseen tuulo fog.
Qoyska ayaa waxa ay qorshaysteen inay Isniintii aasaan maydka Nika Shakarami, hase yeeshee, maydkii ayaa laga xaday , waxaana la sheegay in booliiska meydka ku aaseen tuulo 40km u jirta meesha ay ku nool yihiin qoyska gabadhan.
Gabadhan meydkeeda xadeen booliiska Iran ayaa muddo toban maalin ah la la’aa nolol iyo geeri xilli ay banaan bax ka qeyb galeysay, waxaana farriintii u dambeeyay ehelkeeda u dirtay aheyd in ay eryanayaan ciidamo booliis ah.
Ciidamada booliiska dalka Iran ayaa xarig iyo dil isugu daraya dhallinayarada gabdhaha u badan ee banaan baxyada dowladda ka dhanka ah dhigaya, waxaana dibad baxayaasha ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah dowladda iyo madaxda Iran .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com