Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Khayre Oo Qaabilay Wufuud Ka Qayb Gashay Shir Muqdisho ka dhacay

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qabanqaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rejada wanaagsan ee jirta iyo dawrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay, iyada xubnaha wafdiga qaarkood oo sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, iyaga oo ballan qaaday warbixinta horumarka ay dalka ku arkeen gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula ballamay masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo kulanka goob joog ka ahaa in ay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

TV-ga Qaranka oo ku biiray dagaal siyaasadeedka u dhaxeeya Puntland iyo DFS

Cabdi Cade

Isbedel lagu sameynayo barta bulshadu ku xiriirto ee Facebook oo lagu dhawaaqay

Caydiid Ali

Dagaal lagu dilay 60 xubnood oo ka dhacay Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---