Allbanaadir.com
NEWS

Dilal goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw labo askari oo katirsan Ciidanka Minishiibiyada ee Dowlada Hoose ee Xamar lagu dilay Xaafada Bermuda gaar ahaan meel aan sidaa uga fogeyn xarunta Degmada Howl Wadaag.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labada askari la dilay ay wateen hal qoray oo AK-47 ah, waxaana dilka askartan ka dambeeyay dhalinyaro biskoolado ku hubeesnaa oo si deg deg ah goobta uga baxsaday.

”Labada Askari ee la dilay waxa ay ahaayeen niman odayaal ah, waxa ay wateen hal qoray waxaa marka hore la dilay askariga qorayga watay, askarigii kale ayaa orday balse ragii ayaa kadaba tagay isna sidaas ku dilay” Ayuu yiri goob jooge.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidankan goobta ka qaadeen labada askari ee katirsanaa ciidanka Minishiibiyada ee la dilay.

Dilkan goordhaw loo geestay askartan katirsan ciidanka dowlada ayaa imaanaya xili xalay Isgooska Tarabuunka sidoo kale lagu dilay labo askari oo la sheegay in ay katirsanaayeen ciidanka Milatariga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Macron oo la hadlay Abiy Baaqna kasoo saaray Dagaalka Tigrey ka socda

Cabdi Cade

Shir Arrimo muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay xafiiska Ra’isul Wasaaraha

Cabdi Cade

Donald Yamamoto oo gaaray Boosaaso lana kulmay Madaxweyne Deni (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---