Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo dhax maray ciidamada Liyuu Booliis iyo Dagaalyahanada Al Shabaab

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu booliis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dagaalyahanada Al Shabaab, ayaa ka dhacay deegaano kuyaalla gobolka Bakool gaar ahaan dhinaca xadka Itoobiya.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada labada dhinac ayaa dagaal xooggan waxa uu ku dhax maray tuulada Quracle ee hoostagta deegaanka Washaaqo ee gobolka Bakool, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta afka Al Shabaab ku hadasha ayaa tabisay in dagaalka ka dhacay gobolka Bakool looga dilay ciidamada Liyuu booliis toban askari, sidoo kale ciidankaasi looga furtay hubkii ay heesteen.

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo maamulka gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaan ka hadlin dagaalkan cuilus ee maanta ka dhacay deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Al Shabaab iyo ciidamada Liyoo booliis ayaa bilo kahor dagaalo dhiig badan ku daateen waxa uu ku dhax maray gudaha dowlad deegaanka iyo sidoo kale qeybo kamid ah gobolka Bakool, waxaana dagaalkaasi labada dhinac kasoo gaaray khasaaro aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Japan oo taageero weyn u balan-qaaday dowlada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Puntland oo war kasoo saartay Dagaalka Laascaanood iyo Go’aankii Isimada kasoo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---