Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku riday Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo lagu helay in uu katirsanaa Ururka Daacish una qaabilsanaa farsameynta Qaraxyada.
Ninkan ayaa Maxkamada sidoo kale sheegtay in uu ka mid ahaa dagaalyahanada Daacish ee ku sugan Puntland, kana soo qeyb qaatay dagaalo Ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhax maray deegaanka Qandala ee gobolka Bari.
Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa sheegtay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu ka hor cadeeyay Garsoorka Ciidanka hortiisa inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish kana soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Qandala ka dibna uu u soo wareegay Gobolka Shabeellaha hoose si uu uga fuliyo Qaraxyo.
Ugu Dambeyn Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa xukun xabsi daa’in ah waxa ay ku riday Eedeesane Jaamac Xuseen Xasan , waxa ayna Maxkamadu sheegtay in xukunkan laga qaadan karo Racfaan hadii aan lagu qanacsaneyn.
Ninkan Maxkamada xukunka ku riday ayaa lasoo qabtay isaga oo qarax miino ku aasaya Degmada Afgooye, waxa ay sidoo kale horey Maxkamada ugu eedeesay ninkan in Kooxda Daacish u duubi jiray qaraxyada iyo dilalka .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com