Ciidanka milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaan macawuusleyda, ayaa goordhaw la wareegay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi isaga baxay dagaalyahanadii Al Shabaab ee ku sugnaa.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ciidamada huwanta ah soo galeen deegaanka Yasooman oo horey ciidamada huwanta ah uga baxeen, waxa ayna ciidamada hadda deegaanka kawadaan howlgalo miino baaris ah iyo baaritaano amni.
Saraakiisha ciidamada huwanta ah hoggaamineysa ayaa sheegay in howlgalkooda sii soconayo ayna la wareegayaan guud ahaan deegaanada kooxda Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay abaabul ka waday degmooyinka Buula-burte iyo Maxaas, waxa ayna ciidamada qorsheeyeen in dib ugu laabtaan deegaanadii ay kasoo baxeen.
Maalmo kahor ayaa khilaaf soo kala dhax galay saraakiisha ciidamada la sheegay in uu sababay in ciidamada kasoo baxaaan deegaano dhoor ah ay horey u qabsadeen ay ku jiraan deegaanada Yasooman iyo Moqokori ,kuwaa oo ay dib ula wareegeen Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com