Allbanaadir.com
NEWS

Gaadiid Dagaal oo ka baxay Muqdisho iyo Abaabul dagaal oo ka bilowday Shabeelaha Dhaxe

Gaadiid nuuca dagaalka ah ay la socdaan ciidamo aad u tiro badan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka baxay magaalada Muqdisho, waxa ayna gaadiidkan iyo ciidanka la socda u jiheesteen dhinaca gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamadan ka baxay magaalada Muqdisho oo beel ahaan kasoo jeeda beesha Abgaal ayaa u baxay labo jiho oo kala ah dhinaca Cadale iyo dhinaca Jowhar, waxa ayna xalay gaareen deegaano katirsan gobolkaasi.

Sida aan wararka ku heleyno ciidankan iyo ciidamo kale oo horey ugu sugnaa deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa bilaabaya guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamadan ka baxay magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan in ujeedkoodu yahay in Al Shabaab ka saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe gaar ahaan degmada Aadan Yabaal oo la tilmaamay in uu yahay fariisinka ugu weyn Al Shabaab ee Hirshabelle.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay in ay isku furaan magaalada Muqdisho iyo Xarardheere, ayna ka saarayaan Al Shabaab guud ahaan deegaanada ay ka joogaan Shabeelaha Dhaxe.

Gobolka Shabeelaha Dhaxe gaar ahaan degmada Aadan Yabaal ayaa la rumeesan yahay in Al Shabaab kasoo abaabulaan weerarada ay ka geestaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe, waxaana Hirshabelle toos uga bilaabanaya dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa horey u bilaabay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxa ayna beelahan ku eedeenayeen beesha Abgaal ee degta Shabeelaha Dhaxe ku fiirsadeen dagaalka lagana soo weerarayo deegaanadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Warbaahinta la hadlaya xili Shirka Dhuusomareen fashil ku dhaw yahay

Cabdi Cade

Bam caawa lagu weeraray Bar Kontrol oo ciidamada amnigu ku leeyihiin Muqdisho

Caydiid Ali

Internetka Muqdisho oo soo laabtay Saacado uu hawada ka maqnaa

Cabdi Cade