Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Somalia oo ka qeyb galaysa shir caalami ah oo looga hadlayo shidaalka Africa

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaada Cape Town kaga qeyb galaya shir heer caalami ah oo looga arrinsanayay arrimaha shidaalka Africa.

Wafdiga Wasiirka hogaaminayo waxaa qeyb ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamad Carabey Xaashi.

Shirkan waxaa ka  qeyb galaya ilaa 40 wasiir oo ka kala socda dalalka Africa iyo 400 qof oo ah madaxda shirkadaha soo saaro shidaalka.

Wasiir Cabdirisaaq mar uu la hadlayay warbaahinta ayuu yiri “anaga ahmiyad gaar ah ayuu noo leeyahay shirkan, waxaa looga hadlaya sida Africa ay isugu filnaan karto dhinaca tamarta iyo sidii aan ku soo jiidan-aheyn, dad maal gashto kheyraadka dalkeenna ku jira”

shirkan oo socon doono maalmaha soo socda ayaa ah madal ay ku kulmaan maalgashadayaasha caalamiga, shirkadaha soo saara batroolka iyo madaxda dalalka lagu tuhmayo kheraadka dabiiciga ah ee Africa, sida Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

OPEC iyo Ruushka oo hal arrin darteed ku heshiiyey inay yareeyaan wax soo saarka shidaalka

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Bangiga Hormarinta Afrika oo gabi ahaanba Deyntii kawada cafiyey Soomaaliya.

Cabdi Cade
Taboola Ads ---