Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) AFRICOM oo war cusub ka soo saaray duqeyntii lagu dilay C/llaahi Nadiir

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya 1-dii bishan October duqeyn cirka ah ku qaadeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow Jilib, oo qiyaastii 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.

“Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in duqeynta lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. Ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Mareykanka ayaa sheegay in Al-shabaab ay weli halis ku tahay amaanka geesjka afrika iyo kan caalamka.

“Al-Shabaab waa shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna firfircoon ee caalamka, waxayna caddaysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto ciidamada Mareykanka oo ay khatar ku noqoto danaha ammaanka Mareykanka. Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasheeda, ayaa sii wada tillaabooyinka looga hortagayo kooxdan argagaxisada ah ee xaasidka ah qorsheynta iyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

AFRICOM ayaa sheegtay in Soomaaliya ay weli fure  u tahay amniga Bariga Afrika. Ciidamada Mareykankana ay sii wadi doonaan tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah si si ay u wiiqaan al-Shabaab.

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalka, waxaana ay bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ku habboon. Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan qaybaha ay khusayso iyo hantida la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo ammaanka hawlgallada” ayaa lagu yiri qoraalka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA AFRICOM OO ENGLISH KU QORAN.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muran loo Maaro waayey oo u dhexeeya Shirkadda Twitter iyo dowlada India

Caydiid Ali

Muxuu aqalka sare ka yiri gudigii uu Magacaabay Raisul Wasaare Khayre? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo si adag uga hadashay Muslimiintii lagu laayay dalka New Zealand

Cabdi Cade
Taboola Ads ---