Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo si kulul uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Dowlada Mareykanka ayaa war soo saartay ku cambaareysay qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee Safaadda dowlada Mareykanka ku leedahay Soomaaliya ayaa tacsi loogu diray ehelada dhamaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaas.

“Mareykanku wuxuu cambaareynayaa weerarada Al-Shabaab ee Beledweyne, oo lala beegsaday saraakiisha dowladda ee ka shaqeynayay sidii ay nabad uga dhigi lahaayeen gobolka iyo shaqaalaha caafimaadka ee u adeegayay dhaawacyada. Waxaan tacsi u direynaa dadka laga dhintay.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo taageerada uu siiyo dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ku taageereynaa dagaalka ay ku raadinayaan nabad iyo mustaqbal fiican.” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka Mareykanka.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay saddex qarax oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, sida ay ilo-wareedyo kala duwan sheegeen, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa imanaya saacado kadib markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha u sareaysa Al-Shabaab, Maraykankuna uu madaxiisa saaray 3 milyan oo doollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Soomaaliya oo laga dayriyay :- Waa Kuma Kuwa Ugu Liita ?

admin

Milateriga Israel oo bilaabay burburinta qabuuro ku yaalla bariga Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Jeyte oo Shakiyay iskana diiday Casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---