Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo War ka soo saaray qaraxyadii lagu hoobtay ee Baladweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxyadii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxyadan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Hirshabeelle iyo kuwa heer dowlad Goboleed, in ay sare u qaadan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalkooda bahalnimada ah, maadaama argagixisada lagu soo jabiyey furimaha dagaalka, lagana xoreeyey deegaannada ay naf bideen in ay magaalooyinka ka sameeyaan falal naf la caarinimo ah sida uu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta Ciidamada Xoogga Dalka, si loo dhammeystiro xoreynta deegaannada ay argagixisadu ka soo maleegayaan dhagarta iyo gumaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saldhigga ciidanka Maraykanka ee Jabuuti oo xanibaad lagu soo rogay (Sababta)

Caydiid Ali

Farmaajo oo iska diiday Dalab Xasaasi ah oo uga yimid Madaxda Puntland iyo Jubaland !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo boqolaal shacab ah kula tukaday masjidka Isbaheysiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---