Xaalada magaalada Balad-weyne ee gobolka Hiiraan ayaa kacsan ka dib qaraxii 3aad oo galabta ka dhacay saacado gudahood.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay meel u dhexeysa saldhiga Boliiska iyo Xerada Lama-galaay ee magaalada Balad-weyne.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga inta uusan qarxin in ciidamada dowladda ay rasaas kala hortageen kadibna uu ku qarxay inta u dhaxeysa Saldhiga Magaalada Baledweyne iyo Xerada Lamagalaay.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in qaraxan oo ah kii sadaxaad inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay oo ah bartamaha Baledweyne inkastoo an tirakoob sax ah laga heynin
Rasaas xoogan ayaa qaraxa ka dib laga maqlay gudaha magaalada Baladweyne taasoo aan la ogeyn iney tahay weerar toos ah iyo in kale, xaalada magaalada ayaana noqotay mid jahwareersan.
Barqanimadii Maanta ayey aheyd markii laba qarax oo Ismiidaamin ah ka dhaceen xerada lama galaay kuwasoo galaaftay nolosha dad badan oo iskugu jirayn Masuuliyiin, Waxgarad iyo shacab.
Qaraxyada maanta lagu weeraray magaalada Balad-weyne ayaa muuqda kuwo lagu cabsi iyo khalkhal gelinayo shacabka gobolka Hiiraan oo mudooyinkan waday kacdoon balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab sida ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha Somalia.
“Al-Shabaab ayaa u muuqata iney qaraxyadan cadaadis ku saareyso in shacabka reer hiiraan si ay joojiyaan dagaalka ayna u hogaansamaan amarada iyaga ka soo baxa” ayuu yiri sarkaal ciidan oo la hadlay warbaahinta.
Qaraxyada ayaa imanaya saacado kadib markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha u sareaysa Al-Shabaab, Maraykankuna uu madaxiisa saaray 3 milyan oo doollar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com