Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka hadlay Qaraxyadii Baledweyne Baaqna u diray Shacabka

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marxuum Dr Sakariye Maxamed Axmed, Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, Gudoomiye Ku Xigeenkii Maaliyadda iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Marxuum Abuukar Maadey iyo dhamaan muwaadiniintii ku shahiiday qaraxyadii argagixisadu maanta ka fuliyeen Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in argagixisadu ay cadow ku yihiin jiritaanka umadda ayna caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay inay ku jabeen dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deegaanada Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga ciribtirayo argagixisada arxanka daran ee alshabaab oo gabalkoodu sii dhacayo.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Beledweyne waxa ay ka marag kacayaan sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxyadii argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

 

Related posts

Maxaa ka soo kordhay Dabkii caawa qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha?

Caydiid Ali

Siyaasi Caan ah oo si qasab ah looga tarxiilay dalka Kenya

Cabdi Cade

Dowlada UK oo Baaq xasaasi ah kasoo saartay Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---