Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Wasiir iyo Masuuliyiin kale oo ku dhintay Qaraxyadii xooganaa ee Baledweyne (Sawirro)

Qarax xooggan oo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xerada Lamagalaay ee magaalada Baladweyne, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaraxyada lala eegtay afaafka hore xerada Lamagalaay oo xarun u ah maamulka Hirshabelle ,halkaas oo ay degan yihiin masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabelle.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana qaraxa dadka ku dhintay ay ku jiraan masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Masuuliyiinta qaraxa ku dhintay ee la xaqiijiyay ayaa waxaa kamid ah wasiirka caafimaadka Hirshabelle Zakriye Hurre, Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobalka Hiraan Abuukar Cabdullaahi Maadey iyo Xildhibaan Geelle Isaaq.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa oo sidoo kale ku jiraan masuuliyiin kale ayaa loola cararay isbitaalada kuyaalla magaalada Baledweyne, waxaana goobta qaraxyada ka dhaceen ammaankeeda la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin qaraxyadan iyo khasaaraha badan ka dhashay, waxaana saraakiisha labada dhinac sheegeen in baaris socoto dibna ka faahfaahin doonaan.

Related posts

Ahlu Sunna oo Weerar ay khiyaano badan u adeegsatay ku leesay Ilaalada Saadaq Joon

Cabdi Cade

Qaybta 1 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

admin

Al Shabaab oo shaacisay iney dhinteen dhaqaatiirtii Cuba ee gacanta ugu jiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---